Machad Maraykan ah oo walaac xooggan ka muujiyey masiirka Villa Somaliya. [WARBIXIN]

Tuesday November 24, 2026 - 17:08:26
MeMO Staff
International Peace Institute (IPI), oo ah machad daraaseeya arrimaha amniga, fadhigiisuna yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa shabakaddiisa The Global Observatory kusoo bandhigay warbixin cusub oo uu kaga hadlay xaaladda Soomaaliya.
Wuxuu ugu horreyn sheegay in Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu wajahayo xaalad adag, isla markaana dalalka Afrikaanta ah ee ciidamadoodu duullaanka ku joogaan dalka ay bilaabeen inay si iskood ah ciidamadooda ugala baxaan Soomaaliya.

Warbixinta International Peace Institute, waxay si cad u sheegtay in dhanka kale jihaadiyiinta Al-Shabaab ay sii xoogaysanayaan, isla markaana ay sare u qaadday xeeladaheeda, si ay u ballaariso saamaynta ay ku leedahay deegaannada ku xeeran caasimadda Muqdisho.

Sida warbixintu ay xustay, kooxda Villa Soomaaliya ayaa halis ugu jirto inay sii kala daadato, xilli dalalka reer-albeedkuna ay dib uga guranayaan ku lug-lahaanshaha arrimaha Soomaaliya, kadib markii waddan walba ay tiisu cuslaysay, kuna mashquulay arrimaha gudihiisa.

"Dalalka Reer-galbeedka ayaa ka gaabsaday ku lug lahaanshaha arrimaha Soomaaliya, iyagoo ku mashquulsan walaacyada amniga qarankooda ee ka jira meelo aad uga dhow Soomaaliya…” Ayaa lagu yiri warbixinta machadka IPI.

Mareykanka ayaa Soomaaliya kala noqday inta badan taageeradii uu siin jiray, Xafiiskii UN-ka u qaabislanaa dowlad-dhiska Soomaaliya ee UNTMIS, ayaa albaabada la iskugu dhuftay. Tallaabadaas oo soo afjartay doorkiisii dhex-dhexaadinta khilaafaadka siyaasiyiinta.

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee u dhaxaysa daba-dhilifyada Soomaaliya ayuu macahadku sheegay inay isa sii kaba-raacinayso burburka joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya, isla markaana ay sii xoojinayso horumarka jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Hawlgalka AUSSOM ayay warbixintu xustay in muddo sannado ah uu wajahaayo caqabado dhaqaale oo joogta ah, iyadoo bishii Luulyo ee sannadkan uu Maraykanku si cad u sheegay in uu jaraayo taageeradii saadka iyo agabka ee uu siin jiray ciidamada Afrikaanta.

Go’aankan ayay warbixintu ka dhawaajisay in hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu geliyay xaalad jahawareer iyo hubanti la'aan ah. Waxaana qaar ka mid ah dalalka AUSSOM durba ay bilaabeen in ciidamadooda ay kala baxaan dalka Soomaaliya.

Uganda ayaa bishii Nofeembar ku dhawaaqday in dhammaan ciidamadeeda Soomaaliya ku jooga heshiiska laba geesoodka ah ay si degdeg ah uga saarayso Soomaaliya, halka ciidamada kale ee Uganda ee ku hawl-gala magaca AUSSOM ay iyaguna raaci doonaan sannadka 2027.

Ciidamada Uganda ee ku joogay Soomaaliya waxa lagu sheegay heshiiska laba-geesoodka ah ayuu machadka International Peace Institute sheegay in durba laga soo saaray deggaanno istaraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose.

Sida warbixintu ay ka sanqarisay, tallaabadan ayaa ku khasabtay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah hawl-galka AUSSOM in iyaguna ay ka baxaan magaalada Baraawe, oo ah magaalo muhiim ah, si ay u xoojiyaan goobaha ku dhow caasimadda.

Burundi laftarkeeda ayay warbixintu sheegtay in iyadana laga yaabo inay dedejiso ka bixitaanka ciidamadeeda ku sugan gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoo horay u diidday inay ku biirto hawlgalka dib loo qaabeeyay ee AUSSOM sannadkii 2025.

Deggaannada Burundi ay bannayn doonaan ayay warbixintu tilmaantay inay qarka u saaran yihiin in Al-Shabaab ay la wareegto, maadaama ay sidoo kale fashilmeen qorsheyaashii Masar ee ahaa in ay soo dirayso ciidamo lagu bedelo kuwa Burundi.

"Iyadoo ciidamada caalamiga ah ay bilaabayaan inay dib uga gurtaan Soomaaliya, Al-Shabaab waxay muujisay astaamo muujinaya awooddeeda….” Ayay tiri warbixintu, iyadoo intaa ku dartay in 2025-kii jihaadiyiintu ay dib ula wareegeen dhul aad u ballaaran.

Waxa kale oo machadku uu yiri "Kala-guurka amni ee sida qasan u socda ayaa sidoo kale Al-Shabaab u abuuray fursado ay kaga faa'iidaysato xaaladda, gaar ahaan Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, oo ah laba gobol oo ku kala yaalla dhinacyada Muqdisho”

Warbixintu waxa kale oo ay xustay in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay sannadkii hore la wareegeen saldhigyo ay ka baxeen ciidamada Midowga Afrika ee ku sugnaa Shabeellaha Dhexe, sidoo kale deggaanno ay ka mid tahay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.

"Toddobaadyadii la soo dhaafay, Al-Shabaab ayaa weerarro ku qaadday kolonyo ay wateen ciidamada Uganda iyo kuwa dowladda, kuwaas oo ku lug lahaa wareejintii dhowaan ka dhacday Shabeellaha Hoose. Waxay sidoo kale jihaadiyiintu weerareen saldhigyo ciidan oo ku dhow goobahaas.” Ayay tiri IPI.

Machadka International Peace Institute, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyey "Weerarradani waxay muujinayaan in la wareegitaanno kale oo dhul ah ay dhici karaan waqti dhow.”

Magaalada ay maalmo ka hor banneeyeen ciidamada Uganda ee Baraawe ayuu machadku sheegay inay si gaar ah ugu adkaan karto ciidankad dowladda marka la eego waddooyinka sahayda ee dhaadheer ee isku xira magaaladaasi iyo caasimadda Muqdisho.

Marka ciidamada shisheeye dalka ka baxaan, aagga amniga ee ku wareegsan Muqdisho-na uu sii yaraado, Al-Shabaab waxay sidoo kale heli kartaa fursad ay dib ugu ugu ruqaansan karto caasimadda,…” Ayuu sheegay machadkan fadhigiisu yahay New York.

Ugu machadku wuxuu tilmaamay in ciidamada Afrikaantu ku qasban yihiin in ay dejiyaan qorshe ay ku maaraynayaan bixitaankooda Soomaaliya, maadaama sida uu sheegay, laga rajo-dhigay taageero dhaqaale oo dambe oo loo fidiyo hawlgalka AUSSOM.

Warbixintan waxaa si wada-jir ah u diyaariyey, Abel Abate Demissie oo ka tirsan Barnaamijka Afrika ee machadka Chatham House, Frederic Gateretse-Ngoga oo khabiir sare oo gobolka ah oo ku takhasusay amniga, xilna ka soo qabtay AU, isla markaana lasoo hawl-galay AMISOM iyo AUSSOM, Maxamed Keynan oo ah la-taliye sare oo ku takhasusay dhaqaalaha siyaasadda iyo maamulka iyo Partha Moman oo PhD ka diyaarinaya cilmiga xiriirka caalamiga ah, London School of Economics (LSE).

Related Items

Update cookies preferences